Wararka

Ciidamada Amisom Oo Maanta Si Rasmi Ah Dowlada Ugu Warejinaya Kuliyada jaalle Siyaad Oo Mudo Fariisin U Ahayd.

Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Burundi ayaa Maanta La filayaa Inay Ka  guuraan Kulliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho, halkaasoo muddo Dhan 10 sano u ahayd fariisin ciidan.

Mas’uuliyiin ka kala socda Dowladda Federaalka Somalia iyo AMISOM ayaa Goobta Ku Sugan  , si ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu wareejiyo saldhiggaas.

Kulliyadda Jaalle Siyaad ayaa waxay ka mid tahay saldhigyada ugu weyn ee Muqdisho ay ku leeyihiin ciidamada AMISOM, waxaana AMISOM ay dhawaan sheegtay inay dayactir ku sameysay maadaama dagaalladii sokeeye ay ku bur-bureen dhismayaasha Kulliyadda qaarkood.

Saldhiggan ayaa noqonayaa kii saddexaad oo ay ciidamada AMISOM ku lahaayeenn Muqdisho oo ay ka guuraan, iyagoo horay uga guuray garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho iyo Jaamacadda Gaheyr.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close