Wararka

Madaxweynaha dalka oo ka qeyb galaayo meertada 33-aad ee Shir madaxeedka Midowga Africa.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb-galaya Meertada 33-aad ee Shirka Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika oo ka qabsoomaya Addis-Ababa.

Barnaamijka Meertadan oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda heer qaaradeed, masuuliyiinta sarsare iyo hoggaanka Hay’adaha iyo ururrada Caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 33-aad ee Midowga Afrika.Image may contain: 3 people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 2 people, people standing and suitImage may contain: one or more people, people standing, crowd and outdoorImage may contain: one or more people, sky and outdoorImage may contain: 3 people, indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close