Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dalka dib ugu soo laabtay.       

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Dalka Burkina Faso ayaa maanta dalka Dib ugu soo laabtay.

Wafdiga guddoomiyaha ayaa intii ay ku sugnaayeen Dalka Burkina Faso waxaa ay ugu qayb galeen Kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay martigelisay Dowladda Burkina Faso.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa inta uu halkaasi ku sugnaa waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha Baarlamaanadda Dowladaha Islaaamka ee shirka ka qeyb galayay oo uu ka mid yahay gudddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalka Algeria oo ay ka wada hadleen xoojinta iyo dar dar gelinta xiriirka labada wadan iyo sidoo kale iskaashiga labada Baarlamaan.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shalay kasoo ambabaxay Garoonka Diyaaraadaha Aougadougou ee Dalka Burkina Faso waxaa garoonka kasoo sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Burkina Faso Alassane Baka Sakandé. Maanta ayay wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka dib ugu soo laabteen Magaaladda Muqdisho.

  

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close