Wararka

Galmudug oo Dhaqaaale ku bixinayso Sidii Dab Damis loo keeni lahaa Caasimada Maamulkaasi.

Madaxweyne Ku Xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa kormeer ku tegay Xarumihii ganacsi ee ku gubtay Dabkii maanta ka kacay Magaalada Dhusamareeb.

Madaxweyne Ku xigeenka ayaa u tacsiyay isla markaana xanuunka la qeybsday ganacsatadii ku hantibeeshay khasaarihii ka dhashay dabkaas isagoona u rejeeyey soo kabasho degdeg ah iyo badal kheyr qaba.
Cali Ciid ayaa ballanqaaday in dowlada Galmudug ay lacag dhan 22,000$ ugu deeqyso Guddiga ganacsatada Magaalada Dhuusamareeb ee u xilsaaran soo iibinta dabdamis ay magaaladu leedahay.

Waxa uu intaas raaciyey in canshuur dhaaf loo sameynayo Ganacsatadii ku hanti beeshay dabkaasi, isagoona ugu baaqay Rugta Ganacsiga Galmudug iyo Guddiga Ganacsatada iney garab istaag u mujiyaan ganacsatada walaalahooda ee waxyeeladu soo gaartay.

Kormeerkan Waxa madaxweyne Ku xigeenka ku Weheliyay Wasiirka wasaaradda Cadaalada Iyo Wasiir Ku xigeenka Maaliyada iyo Wasiir kuxigeenka Shaqada & Arimaha Bulshada iyo Maamulka Caasimadda.Image may contain: 1 person, standing, outdoor and foodImage may contain: 5 people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, sky, cloud and outdoorImage may contain: shoes and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close