Wararka

Dagaal agagaarka degmada Diinsoor ku dhexmaray ciidamada Dowlada iyo Al-shabaab.

Ciidamada Dowlada iyo Kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Meydka Labo Dagaalyahaan oo katirsan Al-shabaab Maanta  keenay magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay, kadib howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka Dowlada iyo kuwa K/Galabeed Soomaaliya.

Dagaalka dhexmaray Al-shabaab iyo ciidanka Dowlada ayaa waxaa la shegay in sidoo kale uu ku dhaawacmay abaanduulaha ciidamada koonfur  Galbeed Taliyow Macalin Ibraahim.

Guddoomiyaha Magaalada  Diinsoor ee Gobolka Baay, Abdisalaan Haji Siidow Diyaar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wereerka subaxnimadi hore ee saakay ku qadeen Deegaanka Xariima oo hoos yimaada Degmada Diinsoor, halkaasi oo ay fariisan ku lahayeen Al-shabaab.

Goddoomiye Siidow ayaa tilmaamay in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysanaa isla markaana aysan jiri wax khasaare dhimasho ah oo ciidanka Dowlada iyo kuwa K/Galbeed Soomaaliya kasoo gaaray, Balse ay jiraan dhaawacyo.

Dhanka Al-shabaab ilaa haatan ma jirto wax war ah oo kasoo baxay lana xiriira Dagaalka ka dhacay Nawaaxiga Degmada Diinsoo ee Gobolka Baay.Image may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, crowd and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close