Wararka

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiisyo ceymis ah.

Madax kasocota shirkadda Ceymiska Islaamiga Soomaaliya(First Somali Takaful and Re-takaful) oo uu hoggaaminaayo madaxa madaxa shirkadda Maxamed Cabdi Maxamed oo uu wehliyo lataliyaha shirkadda Hilaal sheekh Cusmaan, ayaa kulamo kala duwan la qaatay ganacsatada Turkiga.

Safarka shaqo ee ay madaxdaan ku tageen dalka Turkiga ayaa ku saabsanaa  sidii ay u hormarin lahaayeen shirkadda Ceymiska Islaamiga ee Soomaaliya, heshiis wada shaqeyn ahna ula soo geli lahaayeen shirkadda Ceymiska ee dalka Turkiga,lagana hirgaliyo xarun ay shirkaddu ay leedahay dalkan turkiga.

Ujeedka arrintan ayaa la xiriirta si bulshada soomaaliyeed ay u helaan shirkad Ceymis oo la isku halaynkaro una qabato adeegyada Ceymiska,sida Ceymiska Caafimaadka, Ceymiska Tikidada,Ceymiska baabuurta,Guryaha IWL.

Ugu danbeyn waxaa labada dhinac ay kala saxiixdeen hesheeska Ceyymiska Soomaaliya iyo Turkiga waxaana kala saxiixay madaxa shirkadda Ceymiska Islaamiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Maxamed iyo shirkadda Ceyymiska Dalka Turkiga oo uu ka socday Arif Hikmet Cesur,ahna la-taliyaha Wasaaradda Maaliyadda ee dalka Turkiga.

Waxaa saxiixa heshiiska dhexmaray labada shirkadood goob joog ka ahaa Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Jaammac Cabdullahi Maxamed Ceydiid,mas’uuliyiin iyo ganacsato ka soocotay dowladda Turkiga iyo howlwadeenada Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close