Wararka

MADAXWEYNAHA DALKA OO KHUDBAD KA JEEDIYEY SHIRKA HORUMARKA IYO DADWEYNAHA.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee Horumarka iyo Dadweynaha oo ka furmay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal muuqda gelisay awoodsiinta dhallinyarada iyo in ay kaalin hoggaamineed ka qaataan dalka.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay madaxda, masuuliyiinta iyo ka qeyb galayaasha shirkan dhibaatooyinka sinnaan la’aaanta dhanka bulshada ee adeegyada dadweynaha iyo dhaqaalaha, waxa uuna adkeeyey mowqifka joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya ay ka taagan tahay taageeridda Olalaha Caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo horumarka iyo hiigsiyada barwaaqo-geynta dadweynaha.

“Waa inaan aqbalnaa in ay jiraan caqabado aan wadaagno oo ku aaddan hirgelinta koboc dhaqaale oo loo siman yahay, bixinta adeegyo dadweyne oo la heli karo iyo fursad u abuuridda dhallinyarada adduunka oo badankood ay ku nool yihiin qaaradda Afrika.” Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay kororka muuqda ee tirada dadka Soomaaliyeed ku yimid sanaddihii danbe, waxa uuna xusay fursadaha horumarineed iyo dhaqaale ee ugu jira arrinkan dowladnimada Soomaaliya, maadaama tirada ugu badan dadka Soomaaliyeed ay yihiin dhallinyaro.

“Waxa aan garawsannahay baahida loo qabo in si degdeg ah loo taageero dhallinyaradeenna si kororka dadweyne aan uga faa’idaysanno dhanka xasilloonida iyo abuuridda fursado loo siman yahay.” Ayuu ku daray madaxweynaha hadalkiisa.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya  ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, isagoo soo bandhigay fursadaha siyaasadeed iyo kuwa dastuuriga ah ee soojireenka ah oo ay ku tilmaaman yihiin Haweenkeenna Soomaaliyeed.

Shirka oo socon doona muddada u dhaxeysa 12-14ka bishan ayaa lagu soo bandhigayaa fursadaha horumarineed iyo caqabadaha barnaamijyada dadweynaha, kor uqaadista maalgelinta adeegyada aasaasiga, joojinta tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo sare u qaadista saamiga dhallinyarada ee hoggaaminta.Image may contain: 1 personImage may contain: one or more people, crowd, concert and indoorImage may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 5 people, people standing and suitImage may contain: 18 people, crowdImage may contain: one or more people and crowd

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close