Wararka

RA’IISAL WASAARE KHAYRE OO TACSI UGU TAGAY QOYSKA IYO EHELKA  UU KA GEERYOODAY GUDDOOMIYIHII GOBALKA BANAADIR.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa manta  tasci ugu tegay qoyska iyo ehelka  uu ka geeryooday guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la kulmay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo maamo Nuuriye Xassan Isxaaq oo hooyo u aheyd guddoomiyihii gobakka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo  u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaarey werar ay Al-shabaab ku qaaden xarunta mamulka gobolka Banaadir 24 bishii aynu ka soo gudubnay.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo dhammaan ehelka ayaa Ra’iisul Wasaarha uga mahadceliyay tascida uu ugu yimid qoyska.

Ra’iisul Wasaaraha oo saxiixay buugga tacsida ayaa sheegay in Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan uu ahaa mas’uul Soomaalinimadu ku wayntahay, u taagnaa qarannimada islamarkaana  aan ka daalin u adeegidda shacabka Soomaaliyeed wuxuuna Allah ugu baryey in uu Janadii Firdowsa ka warabiyo ehelada qarabadii iyo umada Soomaaliyeed dhaman uu ka baxayna samir iyo imaan Allah ka siiyo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close