Wararka

Hay’adda xuquuqda Aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa sheegtay in duqaymaha ciidammada Maraykanku ay baal mareen xeerarka caalamiga ah laguna laayay shacab Soomaali ah.

Intii uu xilka qabtay madaxweyne Donald Trump waxaa sare u kacay weerarrada lagu bartilmaameedsado kooxda Al Shabaab.

Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in shan weerar oo kali ah oo ay baaritaan ku samaysay ay ku ogaatay in lagu dilay 14 ruux oo shacab ah 7 kalana lagu dhaawacay.

Dawladda Maraykanka ayaa diiday in weerarradaas ay ku dhinteen dad shacab ah.

Sannadkii 2018kii Maraykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay ugu yaraan 47 duqaymo oo dhanka cirka ah.

Sannadkan oo kali ahna waxay tirada duqaymuhu ka badan yihiin 23. Markaste oo ciidammada Maraykanku ay weerar qaadaanna waxay sheegi jireen in aysan jirin wax shacab ah oo ay diiwaan galiyeen in ay ku dhinteen weerarkaas.

Amnesty international ayaase sheegtay in ay aruurisay sawirro iyo macluumaad ay ka heleen dad goobjoogeyaal ah kuwaas oo tilmaamaya wax ka badalan xogta Maraykanka.

Weerarrada Soomaaliya ka dhacay waxaa ka mid ah in ciidammada Maraykanka ee Africom ay qaadeen 2017 kaas oo ay ku sheegeen in ay ku dileen malayshiyaad.

Balse baaritaan ay samaysay hay’adda Amnesty International ayaa lagu sheegay in dadka dhintay ay ahaayeen saddex ruux oo beeralay ah.

Hay’addan xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegtay in dhacdooyinkaas oo kale ay noqon karaan dambiyo dagaal.

Hay’addu waxaa kale oo ay sheegtay in aysan jirin hannaan hufan oo qaraabada iyo bulshadu ay ku gudbin karaan dhacdooyinka noocaas oo kale ah.

Dawladda Maraykanka ayaa diiday eedaymahaas. Afhayeen u hadlayna wuxuu BBC-da u sheegay in ciidammada Maraykanka ee Africom ay ka baaqsadaan weerarrada ay shacab ku dhiman karaan.

Inkastoo duqaymaha dhanka cirka ah sare loo qaaday haddana Al Shabaab waxay maamusha dhul ballaaran oo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ku yaalla, waxayna weerarro khasaare badan gaysta ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close