Wararka

waa maxay saameynta ka dhalan karta isticmaalka mobile-ka xiliga uu ku jira jaajark?

Nin 22-sano jir ah ayaa meedkiisa laga helay guri kira ah oo uu ku noolaa kadib markii ay maanso koronto oo ka dhalata mobile uu gacanta ku haystay oo kujiray jaajar ay ku dhegtay.

Sida laga soo xigaty war-sidaha World of Buzz ninkaan oo aan magaciisa lasheegin ayaa waxaa meedkiisa laga helay sariirtiisa kor keeda xili gacanta uu ku haayay mobile-ka oo jaajar kujiro 26-kii bishaan.

Shansaac kadib ayeey qaraabada ninkaan tageen guriga uu kujiray kadib markii ay waayeen wax u jawaaba ayay jabiyeen oo ay gudaha u galeen guriga.Stock image of a charging phone. (Rawpixel/Pixabay)

Dhacdadaas mid lamida ayaa kadhacday dalka Hindiya,Toddler oo ah gabadh 2-sano jir ah ayaa u dhimatay maanso koronta ka dhalatay kadib markii ay afka gashatay xarigii jaajarka oo xiligaas ku jiray dab-qaybiyaha looyaqeena (socket)-ka

Sida ay kusoo waramayso wargayska ka soo baxa dalkaasi Hindiya ee the Times of India, dhacdadaan aya dhacday kadiba xili ay gabadha ay ku cayaaraysay guriga ayeeyadeed 18-kii bishaan.

Dhacda kale oo kuwaas lamida ayaa qabsatay wil 7-sano jir ahaa oo isticmaalaayay mobile ay leedahay ayeeyadiis oo jaajar kujiray 15-kii bishaan.

Wilkaan oo lagu magacaabo Alfani Yeskiel Tuke ayaa cayaar ka dheelaayay mobile-ka xili uu jaajar ku jiray sida laga soo xigaty warsidaha World of Buzz.

Dhacdadaan xanuunka leh ayaa dhacday kadib markii ay Tuke ayeeyadiis u baxday in ay dib cida ugu soo celiso lo’ ay laheed .waxaa ay guriga ugu tagtay abaare 5 p.m.kii galabnimo isagoo haysta mobile-keeda waxa ayna soo laabatay abaara 6 p.m.kii galabnimo waxaa ayna aragtay isagoo jiifa mutuleelka guriga isagoo shaati la’aan ah sida isagoo jiifa camal.7yo Boy Electrocuted to Death After He U - WORLD OF BUZZ

Waxaa ay isku dayday in ay kiciso balse markii ay taabatay garbihiisa waxaa qabsaday maansada korontada, waxaa ay ku qaylisay in loo gargaaro waxaana guriga soo gaaray dariskeeda kuwaas oo damiyay badhanka dab qeybiyaha.7yo Boy Electrocuted to Death After He Used Grandma's Mobile Phone While Charging - WORLD OF BUZZ 1

Booliska dalka Indonesia ayaa dhacdadaan xaqiijiyay waxa ayna sheegeen in Tuke uu u dhintay maansadii ka dhalatay mobile-kii uu isticmaalaayay xili uu jaajar ku jiray.

Haddama bishaan gudaheeda ayaa waxaa ladiwan galiyay kiisaska laxiriiray maansada ka dhalata isticmaalka mobile-ka xiliga uu jaajarka ku jira, waxaa jira digniino badan oo laga muujiyay isticmaalka mobile-ka xiliga uu jaajarka kujira.

7yo Boy Electrocuted to Death After He U - WORLD OF BUZZ 17yo Boy Electrocuted to Death After He Used Grandma's Mobile Phone While Charging - WORLD OF BUZZ

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close