Wararka

Waa maxay Aaladda HoygaNaadiga (Clubhouse) oo maxay si lama filaan ah meel walba ugu fiday?

Waxaa la bilaabay bishii Abriil 2020 waxaana aas aasay Paul Davison iyo Rohan Seth.

HoygaNaadiga (Clubhouse) waa Aalad cusub oo mobile-ka iPhone-ka ah loogu sheekeysto qaab casumaad ah dhanka maqalka oo kaliya.

Waxaa la bilaabay bishii Abriil 2020 waxaana aas aasay Paul Davison iyo Rohan Seth oo ka tirsan shirkadda Alpha Exploration Co.

Bishii Meey 2020, barnaamijkan isku xirka bulshada waxaa lagu qiimeeyay ku dhowaad $ 100 milyan. Bishii Janaayo 21, 2021, qiimeyntii waxay gaadhay $ 1 bilyan.

Isticmaalayaashu way dhageysan karaan wadahadalka, wareysiyada iyo doodaha u dhexeeya dadka xiisaha leh ee ku saabsan mowduucyo kala duwan – waxay la mid tahay sida loo dhegeysto barnaamijyada laakiin waa la dhaqan kali kartaa  iyada oo lagu daro lakab gaar ah.

Markaad kubiirto, waxaad dooraneysaa mowduucyadda aad xiiseyneyso, sida teknolojiyada, buugaagta, ganacsiga ama caafimaadka. Macluumaadka intaa ka badan ee aad siiso abka ee ku saabsan waxa aad xiiseyneyso, qolalka wada hadalka iyo shaqsiyaadka caanka ah waxaa uu kugula talin doona inaad raacdo ama aad ka mid noqoto asxaabtooda.

Qolka sheekaysigu waa sida shir wicitaan oo kale, laakiin dadka qaarkiis ayaa wacaya oo hadlaya halka dadka kale badankooduna dhegaysanayaan khudbada ama dooda.

Sideen ku heli karaa casuumaadda HoygaNaadiga (Clubhouse)?

Si aad ugu biirto, isticmaalka HoygaNaadiga (Clubhouse), Isticmaale (user)  jira waa inuu ku soo diro casuumaad barnaamijkooda si aad u sameysatid koonto (account).  Haddii lagu casuumo, waxaad arki doontaa xiriiriye (link) laguugu soo diray lambarka taleefankaaga, oo kugu hagaya bogga Abka.

Si kastaba ha noqotee, isticmaaleyaasha HoygaNaadiga (Clubhouse) uma diri karaan casuumaad qof kasta oo doonaya inuu ku biiro. Isticmaalayaasha jira ayaa kaliya leh laba casuumaad oo la heli karo marka ugu horeeyso.

Qoraalkii ugu dambeeyay ee aas aasayaasha Aaladaan, waxay ku dhawaaqeen in hadafkooda 2021 uu yahay inay dhammaystiraan barnaamijka-kan xeriirinta dadweynaha, sidaa darteed ay ugu dambayntii “u furi karaan HoygaNaadiga (Clubhouse) adduunka oo dhan”.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close