Wararka

Laba xubnood oo kamid noqonaayo Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo maanta la dhaariyay.

Magaalada Hargayso ee caasimada maamulka Somaliland ayaa waxaa maanta lagu dhaariyay laba xubnood oo kamid noqonaayo Komishanka doorashooyinka maamulkaasi oo ka socda dhanka labada xisbi mucaarid ee Ucid Iyo Waddan.

Dhaarinta labadaani masuul ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxaana dhaariyay Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.

Labadan xubnood ee komishanka doorashooyinka ka oo ay todobaadkan gudihiisa ansixiyeen golaha wakiillada Somaliland, ayaa la mariyey dhaarta Dastuuriga ah, si ay u gudo galaan una buuxiyeen kaalintooda xubinnimo ee mudada bannaanayd, horena ka bilaabaan shaqooyinka loo igmaday ee bulshadu ka sugayso.Image may contain: 2 people, suitImage may contain: 2 people, suit and indoorImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 1 person

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close