Wararka

Howlwadeennada Madaxtooyada Hirshabeelle oo loo tababarayo Daadejinta Tubaha Qaranka.

Khuburo, la taliyaal iyo agaasinno ka socda xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, oo maalmahaan booqasho shaqo ku joogay magaalada Jowhar ayaa maanta tababar u billaabay Howlwadeennada Madaxtooyada dawlad gobaleedka Hirshabeelle.

Tababarka ayaa hawlwadeennada lagu barayaa qaab dhismeedka agaasinka golaha wasiirrada oo muhiim u ah qabashada shaqada golaha wasiirrada, ujeedooyinka iyo waajibaad shaqo ee laga doonayo.

Khuburada ka socota xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo howlwadeennada madaxtooyada Hirshabeelle ayaa isla meel dhigay qaab dhismeedka guddi hoosaadka golaha wasiirrada iyada oo lagu salaynayo tubaha qaranka si guddi hoosaad kasta uu qaybtiisa uga qaato daadejinta howlaha tubaha.

Aqoon kororsigaan ayaa hawlwadeenada madaxtooyada iyo guud ahaan dawlad gobaleedka Hir-shabeelle waxa uu ka caawinayaa dhismaha aasaaska dawladnida,  qorsheeeda, fulinteeda iyo isla xisaabtankeeda.

Tababarka la siinayo howl wadeennada iyo agaasinnada madaxtooyada Hirshabelle ayaa qayb ka ah Baahinta barnaamijka Tubaha qaranka oo ah barnaamij ay ku cadyihiin qorshaha qaran ee siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulsha, amniga iyo cadaaladda.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close