Wararka

Wasiirka Caddaalada iyo Garsoorka Koonfur Galbeed oo magacaabay gudiga madaxabanaan ee dhisida xarunta maxkamadaha magaalada Xudur.

Wasiirka Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xuseen Xasan ayaa maanta magacaabey gudiga madaxabanaan ee dhisida xarunta maxkamadaha heer Degmo iyo heer Gobol oo laga dhisi doono magaalada Xudur ee Gobolka Bakool oo ay iska kaashanayaan dhisideeda dadka deegaanka iyo dowlad gobaleedka gaar ahaan Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka KGS.

Wasiirka Caddaalada iyo Garsoorka Koonfur Galbeed ayaa magacaaaby Guddigaan oo ka kooban 9-aal xubnood waxaana Guddoomiye looga dhigay Cumar Cabdullahi Maxamuud halka guddoomiye Ku-xigeen looga dhigay Aadan cabdi Gaas.

Haddaba Hoos ka akhriso war-qadda magacaabista Xubnaha guddigaan.No photo description available.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close