Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo maalintii labaad ka qeyb galay Meertada 14aad ee Shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay Meertada 14aad ee Shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka qabsoomay magaalada Makkah Al-Mukarama.

Shirkaan ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saarayay iskaashiga, amniga iyo horumarka dalalka Islaamka iyadoo ugu danbeyntiina war-murtiyeed laga soo saaray.

Baaqa laga soo saaray shirkaan ayaa waxaa loogu magacdaray daray “Baaqa Makka” kaasoo adkeynaya midnimada Dowladaha Iskaashiga Islaamka, isbeddelka arrimaha Falastiiniyiinta iyo Al-Quds Al-Sharif, taageerada qaxootiga Falastiiniyiinta iyo UNRWA, iyo sidoo kale xaaladda hadda jirta ee Suuriya, Yemen, Liibiya, Suudaan iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa inta uu shirka socday waxa uu kulamo gooni gooni ah la yeeshay qaar kamid ah Madaxda, Boqorrada iyo Amiirrada dalalka Islaamka, isagoona la wadaagay dadaalka Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan horumarka iyo dowladnimada, waxuuna ka codsaday dhankooda in ay sii kordhiyaan tageerada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Mohamed C/llahi Farmaajo ayaa xasuusiyey hoggaamiyeyaasha uu la kulmay dhibaatooyinka ku gadaaman Muslimiinta ku nool daafaha dunida oo shirkani u arkayey fursad wax lagaga qaban karo dhibaatooyinkooda, haddii la muujiyo midnimo, wadashaqeyn iyo iskaashi.

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Boqor Salmaan Binu Cabdulcasiis martigelinta sare ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close