Wararka

Maxaa wakhtigaan ku soo aadiyay in Sacuudigu cunaqabateyntii uu saray Qadar uu ka qaado?

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammad bin Salman ayaa manta oo  talaadda ah ku soo dhoweeyay Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani magaalada Al-Ula ka hor shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC).

Labada Masuul ayaa isku marxabeeyay dibna si kooban u hadlay ka hor inta aysan u dhaadhicin roogga gaduudan.

Sacuudi Carabiya ayaa dib u furtay hawadeeda iyo xuduudaha dhulka iyo badda ee ay la wadaagto Qatar manta oo Isniin ah ka dib  heshiis hordhac ah oo looga golleeyahay in lagu soo afjaro khilaafka diblomaasiyadeed ee saddexda sano ah ee kala dhaxeeyay Doha. Heshiiska oo buuxa ayaa la filayaa in lagu saxiixo shir sannadeedka ka socda AlUla.

Hoggaamiyeyaasha kale ee Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa waxay gaareen Al-Ula ee Sacuudiga ka hor shirkii 41-aad ee manta furmi doona.

Dhaxalsugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in shir madaxeedku uu abuuri doono aragti mideysan, xoojin doona nabadda iyo barwaaqada wuxuuna horseedi doonaa xirnaanshaha darajooyinka si kor loogu qaado midnimada marka laga hadlayo caqabadaha gobolka.

Dhanka kale Warsaxaafadeed ay soo saartay dowlada federaalka Soomaaliya ayay ku soo dhaweysay bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuweyt ee ku saabsan miro-dhalka dadaallada dib u heshiisiinta Boqortooyada Sucuudiga iyo Dowladda Qatar.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa waanwaanta iyo dadaalkii joogtada ahaa ee Amiirkii hore ee dalka Kuweyt, Alle ha u naxariistee, Sheekh Sabaax Axmed Aljaabir uu ku bixiyey xal u helidda khilaafkan” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka dowlada ka soo baxay.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in mar walbo ay ka go’antahay xoojinta xiriir diblomsiyadeed oo ku dhisan dhexdhexaadnimo, wax wadaqabsi iyo ilaalinta xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka khaliifka.

Inta uu socda shirkaan ay yeelanayaan Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa waxaa looga hadli doonaa dagaalka kasocda Yemen ee udhaxeeya maleeshiyada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran iyo xoogaga uu madaxweynaha ka yahay Abdorabbu Mansour Hadi, iyo sidoo kale xiriirka ay waddanamaan la yeelanayaan Madaxweynaha dooran ee dalka Maraykanka Joe Bide.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close