Wararka

Guddoomiyaha golaha aqalka sare Baarlamaanka oo qaabilay ambaasador Madeira.

Senatar C/kaafi Macalin Xasan ayaa sheegay in kulanka arimaha looga hadlay ay ugu muhiimsanayd mudo kordhinta Amissom iyo arimaha Doorashooyinka

Guddoomiyaha golaha aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/laahi ayaa ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira  waxaa ayna kwada hadleen arimaha AMISSOM iyo dowlad goboleedyada.

Markuu kulankooda soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta lahadlay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Danjire Francisco Madeira waxaa uuna sheegay in kulanka uu la yeeshay Guddoomiyaha golaha aqalka sare Baarlamaanka ay diirada ku saareen arimaha Soomaaliya iyo howlgalka midowga afrika.

Habdhooraha golaha aqalka sare baarlamaanka Soomaaliya Senatar C/kaafi Macalin Xasan ayaa sheegay in kulanka arimaha looga hadlay ay ugu muhiimsanayd mudo kordhinta Amissom iyo arimaha Doorashooyinka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close