Wararka

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Iiran oo sheegay in Iiran aysan diyaar u aheyn dagaal balse ay difaaci doonta dhulkeeda.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Iiran Mohammad Javad Zarif oo waraysi siiyay muqbaahiyaha CNN ee Maraykanka laga leeyaahay ayaa ayaa beeniyay in Iiran ay ka danbeysay weeraradii sabtidii lagu beegsaday gooba shidaal oo ay leedahay Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiir Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in Iiran aysan dooneen wax dagaal ah balse ay diyaar u tahay in ay difaacato dalkeeda iyo dadkeeda waxaa uuna intaasi sii raaciyay in haddii uu dagaal dhaco ay u horseedi karto qasaara ba’an oo labada dhinac soo kala gaaro.

Dowlada Sacuudiga ayaa Iiran ku eedeysay in ey laheyd hubkii lagu weeraray Goobaha shidaalka Sacuudiga, sidoo kale dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in caddeemo dheeraad ah ay hayso kuwaas oo muujinaayo in Iiran ay ku leg laheed weeraradaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Iiran Mohammad Javad Zarif ayaa yiri “ ma rabno dagaal, ma rabno inaan dheera gallino dagaal Militari” wasiirka ayaa intaasi sii raaciyay in Iiran aysan iska indha tiri doonin in ay difaacaan dhulkooda

“laakiinse ma rabno inaan iska indha Tirno inaan difaacanno dhulkeena” ayuu yiri Mohammad Javad Zarif.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close