Wararka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo maanta ansixiyay Sharciga Saxaafadda Soomaaliya.

Xildhibaannada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Kulanka 24-aad ee kalfadhiga 5-aad ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Ajandaha Kulanka ayaa ahaa Akhrinta 3-aad ee Wax ka Badalka Sharciga Saxaafadda, waxaana goobtaas ku sugnaa Ku simaha ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Aadan Isaaq.

Waxaa kullanka maanta soo xaadiray 140-mudane, waxaana cod lagaliyay Sharciga Saxaafadda iyadoo ugu danbeyn uu natiijada ku dhawaaqay Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka,Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, waxaa uuna shaaciyay in cod gacan tag ah oo lagaliyay kadib ay 139-mudane ay u codeeyeen haa, Wax diiday Majirin waxaana ka Aamusay 1xildhibaan.

Ku simaha ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Aadan Isaaq ayaa uga mahad celiyay Golaha Shacabka iyo Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo isgaarsiinta ee Golaha shacabka meel marinta iyo wax ka bedelka xeerka saxaafadda.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close