Wararka
Wafdiga maxda Madasha Xisbiyada Qaran oo garay Baladweyne.

Wafdi ballaaran oo ay hoggaaminaayeen madaxweyniyaashii hore ee dalka Xassan Sheeq Mohamed iyo Shariif Shariif Sheekh Ahmed ayaa maanta gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiran.
Wafdiga ayaa markii ay gaareen garoonka diyaaradaha ee Baladweyne waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen, Xildhibaannada Baarlamanka ee laga soo doorto gobolka Hiiraan.
Safarkaan ayaa kusoo aadaayo xili dhawaan shir jaraa’id oo ay madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ku qabteen Mugdisho ugu yabooheen fatahaadaha Baladweyne lacag dhan $200,000(laba Boqol oo kun oo doolar).