Wararka

Diyaarad laga leeyahay dalka Britain oo ku burburtay garoonka Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Diyaarad ku dhacday meel saddex mayl u jirta Garoonka caalamiga ah ee Dubai ayaa sababtay gerida Afar ruux waxana ay ukala dhasheen dalka Britain iyo Koonfur Afrika diyaaradan oo nooceedu yahay DA42 ayaa ka diiwaan gashan UK, sida ay sheegeen masuuliyiinta iskutagga Imaaraadka waxaana iska leh shirkadda Flight Calibration Services, taas oo fadigeedu yahay Shoreham Airport oo ku yaalla West Sussex.

Hay’adda guud ee qaabilsan la socoshada badqabka diyaaradaha ee magaceeda loo soo gaabiyo GCAA ayaa sheegtay in uu socdo baaritaan. Warbaahinta gudaha dalka imaaraatka ayaa ku warrantay in diyaaradda ay ku dhinteen duuliyihii, caawiyihii duuliyaha iyo labo ruux oo rakaab ahayd.

Garoonka caalamiga ah ee Dubai ayaa ah mid ka mida  kuwa ugu mashquulka badan dunida oo dhan sida ay sheegtay taraafikada caalamiga ee rakaabka (international passenger traffic).

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain ayaa war ay soo saartey ku shegtay in ay si dhaw ula shaqaynayso dawladda Imaaraadka carabta sidookale War qoraal ah oo ka soo baxay kambaniga Honeywell ee sameeyay diyaaradaan ayaa lagu sheegay in ay aad uga murugaysanyihiin diyaaraddan ku burburtay Dubai, isla markaasna ay u tacsiyaynayaan ehelka dadka dhintay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close