Wararka

Madaxa xukuumada Galmudug oo sheegay in aysan dhamaan muddadii lagu heshiiyay in ay dhacdo dorashada madaxweynaha Galmudug.

Kulankan ay maanta Magaalada  dhuuso-mareeb ee xarunta dowlad goboleed  Galmudug ku yeesheen madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, madaxa xukuumadda Sheikh Maxamed Shaakir  Cali Xasan,iyo golaha wasiirada dowlad goboleedka Galmudug ayaa looga hadlay warqadii ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda faderaalka Soomaaliya taas oo ku aadaneyd in 04-ta bisha soo socota ee Luulyo ay dhacdo doorashada Galmudug.

Kulanka ayaa baddi looga hadlay muddo xiledka madaxda Galmudug iyo xilliga la qaban doono doorashada dowlad goboleedka galmudug.

Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo markii uu kulanka soo dhamaaday warbaahinta la hadlay ayaa  sheegay in heshiiskii  magaalada DJabuti  ku dhexmaray Galmudug iyo Ahlusunna uu ka bilaabanayay muddo xileedka madaxda maamulkaas.

Sheikh Shaakir ayaa dowlada faderaalka, beesha caalamka iyo maamul goboleedyada usheegay in ay ixtiraamaan Dastuurka dowlad goboleedka Galmudug isla markaana mudoo xileedka madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu ka soo bilaabanayay heshiiskii Jabuuti.

Xalay ayay aheyd ka dib markii warqad ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ay madaxda Galmudug ugu baaqday in ay 04-ta bisha soo socota ee Luulyo la qabto doorashad Baarlamaanka iyo tan madaxda sare Galmudug.

Weli ma jirto xal u muuqda muranka dhinaca dooroshooyinka oo u dhaxeeyay dowlada faderaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Galmudug iyadoo ay xusid mudan tahay in madaxda Galmudug ay ka biyo diideen qabashada doorasho iyago sheegay in aysan u dhamaan xilligii lagu heshiiyay.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close