Wararka

Soomaaliya oo ka qeybgaleysa madasha iskaashiga iyo dhaqaalaha ee FOCAC.

Agaasimaha Waaxda Asia iyo Australia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS Shirwac Cabdullaahi Ibraahim,ayaa kulan la qaatay  Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China ee Soomaaliya, Qin Jian.

Bilowgii kulankaba, Agaasime Shirwac waxa uu guddoomay casuumaad rasmi ah oo ku socotay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo ka timid dhiggiisa China si uu uga qeybgalo kulanka wadatashiga heer Wasiir ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo lagu qaban doono bisha June dalka China.

Intii lagu guda-jiray kulanka, ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya si gaar ah dhinacyada iskaashiga iyo wax wadaagga istiraatiijiyadeed.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close