Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay xaaladaha doorashada iyo arrinta Gedo.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kaga qeybgalay hab maqal iyo muuqaal ah shirka iskaashiga Soomaaliya iyo beesha Caalamka.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa diirada ku saaray Arimaha amaanka iyo Doorashooyinka waxaana uu si qoto dheer uga hadlay muhiimada ay leedahay in laga wada shaqeeyo waxyaabaha muhiimka u ah dalka xiligan xasaasiga ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay kahor ka bixitaanka Ciidamada AMISOM ee dalka in la helo hanaan amni oo damaanad qaadaya Nolosha dadka Shacabka ah taas oo aan ilaa hada muuqan.

Madaxweynaha oo ka hadlayay Gobolka Gedo iyo doorka Doorashada ee Jubaland ayaa sheegay in Jubaland ay diyaar u tahay Doorashada in ay ka qeyb gasho balse aanay Doorashada ku qabanaynin gobol aanu nidaam hoos yimaada ka jirin.

Gaba gabadii Madaxweynaha ayaa ku booriyay Xukuumada Federaalka ah inay qaadato doorka ay ku leedahay shaqada socota isla markana ay ka shaqayso sidii khilaafyada jira xal loogu heli lahaa dalkana ay uga dhici lahayd Doorasho loo dhan yahay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close