Wararka

Ciidamada Kenya ee Iskaga Baxay Degaanada Faafax-Dhuun Iyo Buusaar Ayaa Maanta Saldhig Ciidan Oo Weyn Ka Samaystay Degmada Ceel-Waaq ee G/Geddo.

Ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa isaga baxay Saldhigii ay ku lahaayeen deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, ciidamadda Kenya ayaa labadii maalin aynu soo dhaafnay waday dhaqdhaqaaq ay kaga baxayeen saldhiga buusaar,waxayna ugu dambeyntii ay ka baxeyn habeenkii xalay ahaa.

Ciidamadda ka baxay Saldhiga Buusaar ayaa u jiheystay wadada aadda degmada Ceelwaaq ee kaabiga ku heysa xuduuda ay Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan.

Dhanka kale Ciiidamadda Al-shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Buusaar, ciidamada shabaab ayaa baaritaanno ku sameeyay saldhigyadii ay faarujiyeen ciidamada Kenya.

Ciiidamadda Kenya ayaa sanadkaan cusub isaga baxay Saldhigyo ay ku lahaayeen Gobolka Gedo,kuwaasi oo ku yaala deeganadda Faafaxdhuun,Tarako.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close