Wararka

WAR DEG DEG AH: Toogasho ka dhacday Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.

wararka ka imaanaya Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa ku soo waramaya in gudaha degmadaasi lagu dilay sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowlada.

Dilka Sarkaalka ayaa waxaa ka Dambeeyey Rag ka tirsan Al-shabaab sida uu inoo xaqiijiyey Godoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo oo waraysi siiyay muuqbaahiyaha Tusmotv ayaa sheegay in sargaalka ay dileen laba ruux oo dhalinyaro ah kadibna mid kamid ah dhalinyaradaasi la toogtay.

“Labo dhalin yaro ah oo hubeysan ayaa toogtay Sarkaalka mid ka mid waa la toogtay” ayuu Yiri guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo.

Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin dhanka Al-shabaab oo ku aadan dila Sargaalkaan lagu eedeeyay balse waxaa gobolkaasi ka dhaca weerarro ay gaystaan Al-shabaab.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close