Wararka

madaxweyne Deni oo ka tacsiyayeeyay eerida Alle ha u naxariistee Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka ka tacsiyayeeyay geerida Alle ha u naxariistee Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland Marxuum G. Sare Cismaan Cumar Maxamed iyo Saddex Xarigle Axmed Yuusuf Cabdi.

Sidoo kale waxaa uu tacsi gaar ah u diray madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni dhammaan ciidamada qalabka sida ee Puntland, si gaar ah ciidanka Daraawiishta, gaar ahaan ciidanka Madaxtooyada, eheladii qaraabadii qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodey Marxuumku.

Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Alle Naxariistii Janno haka waraabiyee ayaa ku geeriyoodey hawlgal ay ciidanka Madaxtooyadu saaka ka fuliyeen gudaha magaalada Gaalkacayo oo ay kusoo qabteen mukhaadaraad iyo shufti nabadiid ah oo ka ganacsanayey sida lagu qoray bogga facebook ga ee Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay Alle ha u naxariistee Marxuum G.Sare Cismaan Cumar Maxamed in uu ahaa shakhsi wanaagsan oo shaqo yaqaan ah, sarkaal daacad ah oo ku wanaagsan hogaaminta ciidanka, waxa uu Alle u weydiiyey inuu naxariistii Janno ka Waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan shacabka reer Puntland, ciidamada Qalabka sida, kuwa Madaxtooyada, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay. Sidoo kale waxa uu Alle uga baryey Madaxweynuhu intii ku dhaawacantay inuu u booga dhayo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close