Wararka

Wasiirka Shaqadda iyo shaqaalaha Soomaaliya oo sharciga Shaqaalaha Rayidka ka hor akhriyay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ku yeeshay kulankoodii Caadiga ahaa Ee 23-aad Kalfadhiga 5-aad.

Ajendaha Kulanka ayaa ahaa Akhrinta 1-aad Wax ka Bedelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka ee Dawlada iyo Warbixinta Baarlamaanka Carabta, waxaana sharciga Shaqaalaha Rayidka ka hor Akhriyay Xildhibaanadda Golaha Shacab,Wasiirka Wasaaradda Shaqadda iyo Arimaha Bulshada Xukumadda Soomaaliya, Xildhibaan Sadiiq Warfaa, waxa uuna sheegay in ay ka badaleen waxbadan oo qaldanaa.

Wasiirka Shaqadda iyo shaqaalaha ee Xukumadda Soomaalida Sadiiq Warfaa ayaa Xildhibaanada ka codsaday in ay meel mariyaan sharcigaan ka dib marka ay waajibkooda ka gutaan.

Guddoomiya ku-xigeenka koowaad ee ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudeey ayaa guddoomiyay kulanka iyadoo ay qaar kamida xildhibaanada ka hadleen kullanka.Image may contain: 1 person, textImage may contain: 1 person, close-upImage may contain: 1 person, suit and textImage may contain: 1 person, suitImage may contain: 1 person, textImage may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close