Wararka

wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo ka digtay Roobab Dabaylo Wata.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka & Dimuqraadiyeynta Dowlad goboleedka Puntland ayaa markale ka digtay Roobab Dabaylo Wata oo Kusoo Foodleh Xeebaaha Badwaynta Hindiya iyo Badacas ee Puntland.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in Dabaylo xoogan ay ka dhacayaan baddahaa Badwaynta Hindiya iyo Badda Cas ayna ku socdaan xawaare sare oo ah 36KM/H ilaa 40KM/H, dabeelaha ayaa la sheegay in ay kasoo kaceen dhinaca waqooyi galbeed iyagoo usii jeeda dhinaca bariga.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu yiri “Dabaylo xoogan ka dhacaya baddahaa Badwaynta Hindiya iyo Badda Cas Dabaylaha ayaa ku socda xawaare sare oo ah 36KM/H ilaa 40KM/H, Dabaylahaasi waxay kasoo kaceen dhinaca waqooyi galbeed iyagoo usii jeeda dhinaca bariga, waxaanay cumiladu saadaasha Hawada ay sheegeen in muddo sadex cisho ah 12-14 Jan-2020 ay kusoo foodleeh yihiin Xeebaha Puntland Sidaas daradeed waxa looga digayaa dhamaan kalluumeysatada iyo dadka ka ag dhow badda in aanay gelin badda sadexdaas cisho ee ay baddu aadka u kacsan tahay.”

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close