Wararka

Golaha Aqalka Sare oo anixiyay sharciga xeer-hoosaadka Golaha.

Xildhibaanada Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada muqdisho ku yeeshay kullankoodi 5-aad Kalfadigiisi 9-aad waxaana kulanka soo xaadiray 29 Mudane oo uu ku jiro Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare.

Ajandaha kullanka ayaa ahaa aqrintii seddexaad ee dib- u-eegista Xeer hoosaadka golaha aqalka sare waxaana kulanka shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Guddoomiyaha guddiga xeer hoosaadka Golaha Aqalka Sare, Xassan Faarax Xujaale ayaa Intii uu kulanka socday waxaa uu ugu horeyn sanartarada u aqriyay wax ka badalka lagu sameeyay qaar kamida qodobada ay sanatarada soo jeediyeen.

Qaar kamida Sanatarada Golaha aqalka Sare ayaa fikirkooda ka dhiibtay qodobada qaar iyadoo markii danabana lagiliyay codka Ansixinta sharciga xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare.

Ugub danbeyn Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa aqriyay natiijadii kasoo baxday codkii looqaaday ansixinta sharciga xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay sharcigaan u codeeyeen 29 Mudane oo aysan jirin cid ka aamustay ama diiday waxaa uuna ku dhawaaqay in sharcigaas uu sidaasi ansax ku yahay.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close