Wararka

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo warbixin ka dhagaystay guddigii xaqiiqa raadinta ahaa ee loo diray Galmudug.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimda dalka ku yeeshay Kulanka 25aad ee kalfadhiga 5aad oo uu shir-gudoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman.

Kulanka maanta ay yeesheen Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa looga looga hadlay Ajandayaal dhowr ah oo ay kamid ahayeen Akhrinta 3aad ee Xisaab xirka Miisaniyadda 2017Akhrinta 2aad Sharciga Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo Warbixinta Guddiga Xaqiiqo Raadinta ee Gaalkacyo.

Waxaa warbixin laga dhageystay guddigii xaqiiqa raadinta ahaa ee loo diray shaqaaqooyinkii Bishii hore ka dhacay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo,waxaana warbixintaas golaha u akhriyay Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin ‘’Maxamed Soomali oo ka mid ah gudigaas.

Sidoo kale Guddoomiyaha guddiga Maaliyadda,Miisaaniyadda,qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan , Maxamed Cabdullaahi Siraaji ayaa golaha uga warbixiyay Akhrinta Saddexaad Xisaab xirka Dowladda ee Sanadkii 2017.

Dhinaca kale, Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa Akhrinta Labaad marsiiyay hindise sharciyeedka hay’adda duulista Rayidka  Soomaaliyeed,waxaana golaha u akhrisay ,Xildhibaan Farxiya Muumin Cali ,oo ah Xoghayaha Guddiga howlaha guud ee Golaha Shacabka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda golaha Shacabka oo hindise sharciyeedkan fikirkooda ka dhiibtay, wuxuuna Guddoomiyaha golaha Shacabka oo kulanka soo xiray sheegay in warbixintii ay keeneen Gudigii xaqiiqa raadinta uu goluhu qaraar kasoo saari doono.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close