Wararka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle oo sogaray muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle  iyo Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Muqdisho, waxaana garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi farmaajo.

Wefdiga Madaxweyne Geelle ayaa waxaa kamid ah Wasiirro, Xildhibaano iyo Fanaaniin, waxaana Qorshuhu uu yahay in Madaxweynaha Jabuuti uu fura Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya oo ku taala Degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi la socda Madaxweynaha ay dhankooda kulamo la qaadan doonaan madaxda Dalka, kaasi oo looga hadli doono xiriirka iyo Iskaashiga labada dal iyo sidii loo adkeyn lahaa.

Sidoo kale Waxaa jiray wufuud horu-dhac u aheyd  oo Madaxweynaha Jabuuti uga soo horeeyey Muqdisho, waxaana marka laga tago wasiirada la socda Wefdiga kamid ah fanaaniin Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal.   

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close