Wararka

Guddiga Golaha Wakiillada Puntland u xil-saareen inay ka soo talo-bixiyaan abashooyinkii ay qabaHay’adda Horumarinta Waddooyinka oo kulamy.an

Guddiga Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland u xil-saareen inay ka soo talo-bixiyaan soona lafa guraan cabashooyinkii ay Golaha Wakiillada u soo gudbiyeen Hay’adda Horumarinta Waddooyinka iyo Hay’adda Qandaraasyada iyo Iibka DPL fadhigii 3aad ee Guddiga joogtada ayaa maanta kulan la qaatay Hay’adahaas.

Guddiga ayaa xarunta Golaha Wakiillada kulan kula qaatay Madaxda Hay’adda Horumarinta Waddooyinka iyo Hay’adda Qandaraasyada iyo Iibka DPL si ay xog-dheeraad ah uga helaan Cabashooyinkooda oo ku saabsanaa in aysan helin khidmadihii loogu jideeyey xeerarka ay ku dhisan yihiin kuna fulin lahaayeen waajibaadkooda shaqo.

Guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyay la xiriira shaqadaha hay’adahaas iyo jiritaan cabashooyinka ay u soo gudbiyeen Golaha Wakiillada. Guddiga ayaa warbixintooda dib-ugu celin doona fadhiga 5-aad ee Guddiga joogtada Golaha Wakiillada Puntland.Image may contain: 5 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, sitting, beard and glassesImage may contain: 6 people, people sitting, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close