Wararka

Ra’isal wasaare Khayre oo lacag gaarayso $150,000 ku bixinaayo kor u qaadista garoon kubadeed.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,  Xasan Cali Khayre, ayaa masuuliyiinta dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ku wareejiyay 150,000 Doolar oo lagu horumarinayo garoonka ciyaaraha Dr. Ayuub ee magaalada Beydhabo.

Garoonka ciyaaraha Dr. Ayuub ee casriyeynta lagu sameynayo ayaa qayb ka qaadanaya is-dhexgalka bulshadda, horumarinta ciyaaraha iyo soo saarista dhalinyaro leh xirfad ciyaareed wanaagsan oo qaranka ku matala tartamada caalamiga iyo kuwa heer gobol.

Wasiirka Ciyaaraha Koonfur Galbeed, Cali Dhuux, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay taageerada dhaqaale ee uu ugu deegay barnaamijka horumarinta garoonka ciyaaraha magaalada Beydhabo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maalin kahor, isaga oo la hadlaya kumannaan ka tirsan bulshada Beydhabo ayaa ballaan qaaday in la horumarinayo garoonka ciyaaraha Dr. Ayuub si dhallinyaradu ay u helaan fursad ay ku horumariyaan xirfaddooda ciyaareed.

Talaabadaan ayaan aheyn middii koowaad ee uu ra’iisal wasaaraha qaado waxaana jiray in kolkii oo tagay dowlad Galkacyo uu sidaan camal lacag ugu bixiyay dhismaha garoon kubadda lagu dheelo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close