Wararka

Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Guddoonka Ururka Haweenka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay, Xubno isugu jira Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Guddoonka Ururka Haweenka Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Deni ayaa kulamo gooni gooni ah la qaadanaaayo masuuliyiinta iyo madaxda ku sugan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay kulan af garasha ah la yeeshaan madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale madaxweynayaasha Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa iyagama leh kulamo ay Baydhabo ku qadanayaan kuwaas oo la sheegay in looga hadli doona danaha siddexdaas maamul goboleed iyo doorashada la doonaayo in ay dalka ka dhacdo.Image may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close