Wararka

Wasiir Islow Ducaale oo kulan la qaatay Taliyaha ciidanka AMISOM General Tigabu Yilma.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa maanta kulan la qaatay Taliyaha ciidanka AMISOM General Tigabu Yilma oo maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Taliyaha ciidanka AMISOM General Tigabu Yilma ayaa markii uu gaaray magaalada Dhuusamareeb waxaa soo dhaweeyay Saraakiisha Qaybta 21-aad ee Ciidamanka Xoogga Dalka.

Soodhaweeynta ka dib Taliyaha ayaa waxaa loo gudbiyay Xarunta Madaxtooyada Galmudug waxaa uuna halkaas kulan kula qaatay Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Saraakiisha Amniga.

Wasiir Islow ayaa sheegay in Taliyuhu uu u yimid sidii AMISOM ay uga qeyb qaadan lahayd Sugidda Amniga Magaalada Dhuusamareeb inta ay socdaan Howlaha Dib-u-heshiisiinta iyo Doorashooyinka Galmudug.

Waxaa mardhaw lafiliyaa in Ciidamada kasocda AMISOM ay gaaraan Magaaladan Dhuusamareeb si ay ugu qayb galaan sugidda amniga Magaaladaas inta ay socota shirka dib-u heshiisiinta beelaha wada dago Galmudug waxaana goobaha ay dagi lahaayeen ciidankaasi horey u sii sahmiyay Saraakiisha AMISOM.Image may contain: one or more people, sky, outdoor and natureImage may contain: 1 person, standing and outdoorImage may contain: 1 person, standing and outdoor

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close