Wararka

Xaaladihii ugu danbeeyay ee COVID-19 Soomaaliya.

Wasaaradda caafimaadka xukuumada federaalka Soomaaliya oo maalin kasto warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay Aqbaartii ugu danbaysay ee xaaladaha ku soo cusboonada dalka ee ku saabsan xanuunka coronaviruska ayaa sheegtay in 48  xaaladood maanta la diwaan galiyay.

Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in Gobolka Banadir uu yahay halka ugu badan ee kiisaskaani laga diwaan galiyay waxaa ayna garayaan 41 xaaladood Banadir, 3 xaaladood Jubbaland, iyo 4 xaaladood Koonfur Galbeed.

31 kamid ah xaaladahaan cusub waa Lab halka 17 kale ay yihiin Dhidig waxaana ka caafimaaday 5 ruux halka dhimashadana ay tahay 2 ruux.

Xaaladaha Guud ee xanuunkaan coronaviruska ee dalka  waa 528 xaaladood, Tirada Guud ee kuwa ka caafimaaday waa 19 ruux halka dhimashada guudna ay tahay 28 ruux.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close