Wararka

shirkii billaha ahaa ee Bahda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka oo kadhacay casimada dalka.

Waxaa maanta magaalada  muqdisho ka qabsoomay shirkii billaha ahaa ee Bahda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka kaasoo kadhacay Hoolka Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Banaadir.

Waxaa shir gudoomiyey kulanka manta gudoomiya maxkamada sare Abuukaate Baashe Yuusuf Axmed. Waxaa kasoo qaybgalay shirka Wasiirka Wasaarada Caddaaladad iyo Arrimaha Garsoorka Abuukaate Xassan Xuseen Xaaji, iyo xeer illaaliyaha guud ee Dalka Axmed Cali Daahir Waxaa kaloo ka soo qeeb gallay taliyaha  Ciidamada Booliska Asluubta Soomaaliyeed iyo xafiiska hantidhoorka dalka.

Shirka intii uu socday waxaa looga hadlay sidii bahda caddaaladda ay ugu soo celin laheed sareynta sharciga khaas ahaan fulinta go’aamada maxkamadaha iyo ladagaalanka documintiyada been abuurka ah.

Waxaana warbixin looga dhageestay 2-bo guddi oo loo xilsaaray labadaan arrimood warbixin ay ka soo diyaariyeen xarumaha fulinta iyo dukumintiyada been abuurka. Waxaa kaloo looga hadlay sidii loo dhaqan gelin lahaa formka dhaqtarka dhaawac muujinta.

Wasiirka wasaaradda caddaalada ayaa khudbadiisa waxaa ka mid ahaa in caddaaladda helitaankeeda ay ka mid tahay qofka muwaadinka inuu hello xaqiisa asagoo maraayo nidaamka garsoorka dalka u yaalo.Image may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 3 people, suit and indoorImage may contain: 5 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people sitting, table, indoor and food

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close