Wararka

Waa Maxay Muhiimada Wax Akhrisku Uu leeyahay?

Iyadoo maalmahan lagu jiro xuska afafka aduunyada ayaa iyadana dhankeeda waxa goobo badan lagu qabtay xuska afka soomaaliga, akhriska iyo horumarintiisa.

Xaflad aad loo soo agaasimay ayaa maanta lagu qabtay magaalada muqdisho oo ay soo qabanqaabiyeen Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Muqdisho ayaa aad loogu dhiiri galiyay horumarinta afkeena iyada oo aad loo dul istaagay in wax la qoro lana akhriyo waliba afkeena hooyo si uu u kabco uguna biirin luuqadaha la sheegayo in boqolaal sano ka dib dabar go,ayaan.

Madashan oo kulmisay dad badan waxa hadal kooban ka jeediyay  Senator Ayub Ismail Yusuf oo ah xubin dhalin yar kana tirsan aqaka sare isagoo dhiiri galiyay muhiimada wax akhriska iyo qoraalka wuxuna isdultaagay aadna u xasuusiyay dhalinyaradu in ay akhriyaan Dastuurka ka doodaan dadkana u akhriyaan kaas oo noqon doona tiirka koobaad ee dawladnimada soomaaliyeed!

Madasha ayaa u mahadcelisay Senatorka sida uu u garab istaago dhalinyarada isaga oo ka mid ahaa dadkii taabo galiyay qabsoomida Barnaamijkan .

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close