Wararka

Madaxweynaha Somaliland oo cafis u fidiyay maxaabiis ku xirnaa xabsiyada maamulkaasi.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada Maamulkaasi ku xiran kadib wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-495/042020 oo maanta soo baxday.

Tirada maxaabiista uu maanta cafiska u fidiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa gaaraayay 574 (Shan Boqol iyo Afar iyo Toddobaatan) maxbuus mana ahan markii koowaad ee uu madaxweynaha Maamulka Somaliland cafis u fidiya maxaabiista Somaliland.

Cafiskani ayaa la sheegay in uusan wax saamayn ah ku laheen xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. waxaana cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista iyo shuruudaha Wareegtadan ku lifaaqan.No photo description available.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close