Wararka

Wasaradda arrimaha Dibadda oo soo bandhigtay Dhisma Casri ah oo laga dhisi doona Garonka Aadan Cadde.

Wasaaradda arrimaha dibadda XFS ayaa soo bandhigtay naqshadda dhismaha qeybta VIP da Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo hab casri ah ay u dhiseyso wasaaraddu ka dib kulan maanta ay yeesheen guddiga qabanqaabada maalmaha xorriyadda.

Wasiirka wasaradda Warfaafinta xukuumada federaalka Soomaaliya Mohamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka warbixiyay Dhismahaan Cusub ee VIP da ayaa sheegay in ay kamid tahay mashaariicda ay dowlada doonayso in ay kusoo bandhigta sanad kuurada maalmaha xuriyada iyo yagleelidii dowladnimada Soomaaliya oo lagu aas-aasay Tuulada Carta ee dalka Jabuuti 20 sano ka hor.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Guddiga heer Qaran ee qaban qaabada maalmaha Xuriyadda ay wasaaradaha kala shirayaan waxyaabaha u qorshaysan ee ay doonayaan in ay kaga qayb qaataan weyneynta xuska 60-sano guurada Soomaaliya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close