Wararka

Qarax ka dhacay degmada Awdhigle ee Gobolka Shabeellada Hoose.

wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in uu Qarax  ka dhacay Degmada Awdhiigle ee Gobolka Shabeellada Hoose ilaa haatan waxaa la xaqiijiyey Geerida hal ruux iyo dhaawaca shan ruux oo kale.

Qaraxaan ayaa la sheegay in uu ka dhashay Miino nooca dhulka lagu aasa ah oo ku qaraxday dhowr qof oo geedo ka guray degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah waxaa ayna intaasi ku dareen in ruuxa dhinta lagu magacaabo Axmed Sheekh Cali oo si weyn looga yaqaanay deegankaasi.

Dad ku sugan deeganka ayaa sheegaya in Dadka Qaarkood xaaladoodu aytahay mid Culus, waxaana loola cararay goobaha caafimaadka Deegaanka sidoo kale waxaa Gurmad u fidiyey dadka Dhibaatada gaartay Ciidanka xooga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Deegaanka Awdhigle.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close