Wararka

Somaliland oo laba sharuud midkood ku xirtay wadahadala ay la galaan dowlada Dhexe.

Madaxweynaha Maamulkaasi Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay Munaasabada xuska 18-May ayaa ka hadlay Suurta galnimada in ay wada hadlaan dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay wada hadala Mira dhala oo ay beesha caalamkana Marqaati ka tahay oo la aqbali karo natiija kasto oo kasoo baxda.

Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa sidoo kale laba sharuud ku xiray ka qayb galka maamulkiisa ee wadahadalada dowlada federaalka Soomaaliya la yeeshaan waxaa uuna xusay in ay kala yihiin;

  1. Wada-hadal Caalami ah, oo raacaya Nidaamka Wada-hadallada Caalamiga ah, oo ay goob-joog ka ahaadaan Dawlado iyo Hay’ado Caalami ah, laguna qabto fagaare Caalami ah iyo goob dhex-dhexaad ah, Natiijada ka soo baxda wada-hadalladaasina ay noqdaan sharci ay ilaaliso Bulshada Caalamku.
  2. In arrinta Somaliland iyo Soomaaliya sharciga la mariyo (arbiteration/legal court) halkaasi ay ku kala baxaan.
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close