Wararka

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo kormeer ku tagay Wasaarada Qorsheynta Galmudug.

Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Dahir Eid oo maalmahan kormeer ku tagaayay Wasaaradaha ayaa manta booqday Wasaarada Qorsheynta iyo hormarinta dhaqaalaha Galmudug oo ka mid ah Wasaaradaha ugu shaqada badan Galmudug.

Madaxwayne kuxigeenka ayaa waxaa halkaasi ku so dhaweeyay Wasiir Dowlada Wasaarada qorsheynta Galmudug Cumar Zaki, iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradasi Khadar Biciid.

Madaxwaynaha ayaa Masuliyiintaasi ka dhagaystay warbixin guud oo wasarada ku saabsan asago sido kale so indho indheyay qaybaha ay ka kooban tahay Wasaarada qorsheynta Galmudug.

Madaxweyne Eid ayaa ku amaanay masuuliyinta Wasaarada qorsheynta iyo hormarinta dhaqaalaha Galmudug qorshayaasha cad cad oo ay Galmudug u diyaariyeen iyo Shaqada qimaha leh ee ay u hayaan Galmudug wuxuna faray in ay si labo jibaaran howlaha shaqo oo aay u hayaan Galmudug.Image may contain: 2 people, people standingImage may contain: 2 people, people standing and beardImage may contain: 5 people, people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close