Wararka

Kal-fadhigii 33-aad ee Golaha Wasiirradda Somaliland oo Maanta lagu lafo-guray arrimo doora ah.

Kal-fadhigii 33-aad ee golaha wasiirradda maamulka  Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa manta magaalada Hargaysa ka qabsoomay.

Madaxwayne  Biixi kulanka waxaa  ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), waxaana warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaraddaha Horumarinta Maaliyadda, horumarinta beeraha iyo horumarinta Biyaha.

Ugu horayn wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire ayaa golaha warbixin ka siiyey arrimaha dhaqaalaha dalka isagoo wasiirku isbarbar dhig ku sameeyey saddex biloodkii sannadkii hore Jan-march ee 2018-ka iyo saddex biloodka sannadkan 2019-ka ee bilaha Jan-march.

Wasiirka ayaa sharaxaad ka bixiyay isbedelka sanadkani ku yimid arrimaha dhoofka iyo soo dejinta oo aad uga sareeya wakhtigan marka la barbar dhigo saddex biloodkii sanadkii tegay sida uu sheegay wasiirka.

Dhinaca kale waxa goluhu warbixin ka dhegeysteen wasiirka Beeraha, Axmed Muumin Seed oo sharaxay xaaladda

roob yaraanta ee sanadkan iyo dib u dhac laga yaabo in ay  ku iman karto wax beerista dalagyadii loo qorsheeyey inay ku baxaan roobabka isagoo sheegay in ay xooga saari doonaan beerista midhaha ku baxaya wakhtiga kooban sida qamandiga, gallayda IWM.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha, Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa dhankiisa  golaha ugu waramay warbixin la xidhiidha safar uu dhawaan ku soo maray qaar ka mid ah gobollada bariga isagoo sheegay in dhamaan goobihii uu maray ay ka jirto xaalad biyo yaraan oo soo foodsaartay dadka iyo duunyada ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag iyo Saraar.

Ugu danbayn goluhu ayaa falanqayn ay  ka yesheen arimaha doorashooyinka isku raacay in hab sharciga waafaqsan looga gudbo caqabadaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ku gudban arrimaha doorashooyinka la filayo inay ka qabsoomaan sannadkan.Image may contain: 1 personImage may contain: 6 people, people sitting, table and indoor

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close