Wararka

Fah-faahin qaraxii manta kadhacay muqdisho.

Qaraxan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay afaaka hore ee maqaayada bilsan oo kaabiga ku heysa hotelka wehliya ee wadada maka al-mukarama.

Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 18-qofood ayaa ku geeriyootay qaraxan tiro intaas ka badan waa ay ku dhaawacmeen sida ay saraakiisha amnigu xaqiijiyeen.

Goobtu uu qaraxu ka dhacay ayaa ah goob mashquul badan waxaana uu saameyn ku yeeshay goobo kale oo ganacsi kuwaaas oo uu burbur lixaad leh soo gaaray.

Gaadiidka gargaarka degdega ee amin ambulance ayaa gaaray goobta waxaana ay daad gureeyeen dadkii ay waxyeelada ka soo gaartaya qaraxa.

todobaadkan keliya waxaa magaalada muqdisho ka dhacay 5-qarax,welina kama aysan hadlin hay’adaha amniga iyadoo ay xusid mudan tahay in inta badan wadooyinka muqdisho ay todobaadkan xirnaayeen.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close