Wararka

Wasiirku- xigeenka Maaliyadd Puntland oo kulan la qaatay Ganacsatada egmada Galdogob.

Wasiirku- xigeenka Maaliyadd dowlad goboleedka Puntland Cabdi Warsame Qawdhan oo ku sugan degmada Galdogob ayaa kulan la qabatay ganacsatada degamadda.

Wasiirka kulankan uu la qaatay Ganacsatada waxaa ku weheliyay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda iyo maamulka degmada.

kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa is xog waraysi iyo sidii loo heli lahaa aragti ku dhisan kobcinta dhaqaalaha kaasi oo horseedi kara shaqa abuur, dardar galinta kastamka Tuurdibi iyo sidii ay shacabka deegaanka iyo maamulku uga wada qayb qaadan lahaayeen fududaynta iyo ka shaqaysiinta kastamka tuurdibi.

Gudoomiyaha Degmada Cabdiqadir Khalifii Xaashi ayaa furay kulanka asagoo soo jeediyay khudbad dareen leh oo ka hadlaysa sida dadka deegaanka iyo dagmadu ay ugu diyaarsan yihiin in ay maamulka kala shaqeeyaan wax kasta oo horseedi kara hormar dhaqaale oo la gaaro.

Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga ayaa ka hadlay in Dawladdu ay diyaar u tahay in ay cashuurta laga qaado shacabkeeda ay dib ugu celiso si loogu qabto adeegyadda dawladnimo sidoo kalena Dawladdu ku bixisay 16% mashruuca JPLG ee laga hirgaliyay Dagmadda Goldogob.

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Maaliyadda Cabdi Ibrahim ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay in la iska kaashado sidii loo homarinlahaa degaanka Goldogob ,

Wasiirka ayaa ka hadlay mashruuca Tuurdibi, kaasoo soo bilaabay 2009 ilaa haddana aan la gaarin yoolkii ay maamulka Puntland ka lahayd balse dhankooda ay hadda diyaar u yihiin in ay la timaado dhamaan wax kasta oo xaqiijin kara hirgalinta kastamka Tuurdibi.

Ganacsatada ayaa su’aalo ka waydiiyay Wasiir ku Xigeenka iyo wafdigiisaba kuwaasoo dhamaantood khuseeyay qorshaha Dawladda ee kastamka, qorshaha Wasaaradda Maaliyadda ee ku aadan dardar galinta dakhliga ee Dagmadda iyo Guud ahaan gobolka Mudug taasi oo Wasiirku uga jawaabay.Image may contain: 4 people, beard and indoorImage may contain: 6 peopleImage may contain: 4 people, indoorImage may contain: sky, cloud and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close