Wararka

Madaxweynaha CusubEe Puntland Ayaa Maanta Si rasmi ah Xilka Ula Waregay.

Madaxweynaha CusubEe Puntland Ayaa Maanta Si rasmi ah Xilka Ula Waregay.

Munaasabad Ay Xilka Ku Kala Wareegayeen Madaxweynaha Cusub Iyo Madaxweynihii HoreEe Puntland Ayaa Maanta Lagu Qabtay Xarunta Madaxtooyada Maamulka Puntland Ee Ku Taalo Magaalada Garowe.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne Ku-xigeenka Cusub Axmed Garaash ayaa manta Xilalka kala wareegay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne Ku-xigeenkiisii C/xakiim Xaaji Cumar Camey, ka dib Munaasabad Kooban oo ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Garoowe.

Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni iyo Ku-xigeenkiisa Axmed Garaashayaa 8-bishan ku guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Garowe oo ay ku tartamay ee musharaxiin badan oo u kala ordayay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa Puntland.

Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa balan qaaday inuu la imaan doono waxqabad muuqda isagoona wadashaqeyn ka dalbaday shacabka Puntland.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close