Wararka

Kusimaha Madaxweynaha oo kulan la qaatay y ku xigeenka Madaxa Xafiiska Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Kusimaha Madaxweynaha dowlada federaalka Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa qaabilay ku xigeenka Madaxa Xafiiska Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ahna Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga iyo mas’uuliyiin kale oo isla xafiiskaas ka tirsan.

Kulanka inta uu socday waxaa looga hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin Doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo 2020/2021 iyo sidii loo de dejin lahaa dhamaan shuruucda muhiimka u ah howlaha doorashooyinka oo uu hada golalaha gacanta ku haayo.

Kulankaa ayaa kusoo aaday xili Guddiga dib u eegista dasturka KMG ay shalay Labada aqal ee Baarlamaanka dalka horgeeyeen 11-qodob oo dastuurka ah ah waxaa ayna golaha ka codsadeen in ay ansixiyaan qodobada dastuurka si kumeel gaarnimada looga baxo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close