Wararka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka oo soo dhaweeyay isima kasocday Puntland.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha shacabka Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya, Wasiiro iyo xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, odayaal dhaqmeed iyo siyaasiyiin ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade si weyn ugu soo dhaweeyay isimada Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Isimada la soo dhaweeyay Garoonka ayaa ka hadlay dareenkooda iyadoo booqa shadaani ay qeyb ka tahay da’daalada loogu jiro xoojinta nabadeenta Soomaaliya iyo isku soo dhawaan shaha umada Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka BFS ayaa ka hadlay talaabadan ay Muqdisho kusoo gaareen isimada dowlad goboleedka Puntland iyo isimada dowlad deegaanka soomalida Itoobiya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir iyo bulshada Caasimadda ay diyaar u yihiin soo dhaweynta isimada Muqdisho soo gaaray.Image may contain: 4 people, people standing and outdoorImage may contain: 4 people, people standing and outdoorImage may contain: 5 people, people standing, beard and outdoorImage may contain: 5 people, people standing and beardImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: 4 people, people standing and suit

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close